AF-SOOMAALI

Ciidamo dheeraad ah oo la dhigay Isgoysyada magaalada Muqdisho


Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la kordhiyay ciidamada ammaanka ee ka qeyb qaadanaya sugida Caasimada Muqdisho, iyadoo saacadihii la soo dhaafay Ciidamo la dhigay wadooyinka iyo Isgoysyada.

Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ciidanka heegan la geliyay, si looga hortago weeraro qal qal gelin kara ammaanka, waxaana uu xusay in howl galada lagu xaqiijinayo amniga ay sii soconeyso.

“Heegan ayaa lagu jiraa sidii amniga lagu xaqiijin lahaa, bishan Ramadaan ciidamada waxay sii laba laabayaan sugida amniga, ciidamada waxaa la farayaa inay howshooda qabsadaan, lana dagaalamayaan cid kasta oo qalalaaso iyo falal dambiyeed geysanaya”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galada kaliya aanay aheyn bisha Ramadaan, balse ay ciidamada si feejigan ula socon doonaan dhaq dhaqaaqyada amni.

Ciidamada la dhigay wadooyinka ee ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka, ayaa waxaa qeyb ka ah Ciidamada Asluubta oo aan horay looga baran howl galada, waxaana ciidamada Asluubta qaabilsan yihiin ilaalinta xabsiyada.

Heeganka la geliyay Ciidamada ayaa ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay ku hanjabtay inay kordhineyso weerarada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.