AF-SOOMAALI

Ciidammada dowlad gobolleedka Puntland oo kaabiga ku haya deegaanka Qandala ee gobolka


Ciidamada dowlad gobolleedka Puntland ayaa wali ku sii siqaya demada Qandala ee gobolka Bari oo bishii October ee ina shaafta la wareegeen xoogag sheegtay in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.

Howlgalka ciidammada Puntland oo dhinacyo badan ka imanaya ayaa siddoo kale waxaa qeyb ka ah ciidammada badda kuwaa oo laga waddo in ay dhinac xeebta siddoo kale ka weeraraan degmada, madaama kooxaha halkaa ku sugan difaacyo adag ka sameysteen gudaha iyo daafaha deegaanka Qandala.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys oo horkacaya howl galkan ayaa sheegay in dagaal shalay dhex maray ciidanka Puntland iyo Daacish meel 50KM u jirta Qandal ay ku dileen illaa 7 dagaalyahan, halka saddex ka mid ah ciidankooda ku dhaawacmeen.

Dagaalyahannada ku sugan deegaan xeebeedka Qandala ayaa dhinacooda isku dayaya in ay iska difaacaan duulaanka uga soo foolka leh dhinaca ciidammada Puntland, waxaana lagu waramayaa in ay miinooyin ku aaseen inta badan jidadka ama dariiqyada soo galla magaalada si ay uga hortagaan gadiidka dagaalka ciidammada Puntland.

Ugu danbeyntii, degmada Qandala ayaa ah degmo istiraatiiji ah oo dhacda badda cas,waana deegaan marka aad eegto buuraley ah oo laga difaaci karo badda iyo bariga intaba.