GLOBAL NEWS

Ciidamada Kumaandoosta Somalia oo xalay Hawl-gal gaar ah ka Fuliyay Gobolka Galguduud


Ciidamada Millateriga Somalia, ayaa xalay howlgal Qor-sheysan ka fuliyay deegaan ku yaalla dulleedka deegaanka Galcad ee Gobolka Galgduuud, iyadoo mas’uuliyiinta deegaankaas u hadlay ay sheegeen inay ku dileen weerarkaas 15-qof oo ka mid ah xoogagga Al-shabaab.

Deegaanka Hawlgalka laga fuliyay oo lagu magacaabo Ceel-timir ayaa qiyaastii 15-km jira deegaanka Galcad. Waxaana guddoomiyaha deegaanka Galcad uu sheegay in hawlgalka lagu guuleystay.

“Ciidamada dowladda Somalia ee sida gaarka ah u tababaran ayaa howlgalkaan ka fuliyay deegaanka Ceel-timir, waxaana lagu dilay 15 Al-shabaab ka tirsan oo sadex ka mid ah ay yihiin saraakiil, wax khasaare oo ciidankeena soo gaarayna ma jiraan, halkaas waxaa lagu soo qabtay hub iyo qalab kale oo fara badan,” ayuu saxaafada u sheegay guddoomiyaha Galcad.

Sidoo kale, Hawlgallada noocan oo ah ee ay fuliyaan ciidamada Kumaandoosta Somalia ayaa dhawaanahaan soo kordhayay, Waxaana deegaano ka tirsan Gobollada Koonfurta Somalia ay horay uga sameeyeen hawl-gallo qorsheysna oo noocaan oo kale ah.

Hawl-galkii xalay ayaa kusoo beegmaya xilli habeen hore ay Al-shabaab sheegtay inay fashilisay weerar lagu qaadi lahaa saldhigyo ay ku leeyihiin deegaanka Toora-toorow oo qiyaastii 80-km Koonfur kaga began Muqdisho. Inkastoo aysan weli ka hadlin Al-shabaab hawl-galkii xalay ka dhacay gobolka Galguduud.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii socon doonaan illaa laga soo fajarayo, isagoo sheegay inay jiraan meelo badan oo sannadihii u dambeeyay ay si nabad ah ku joogi jireen, aysan maanta ku joogi karin.