GLOBAL NEWS

Ciidamada Kenya oo lagu eedeeyay in ay ganacsi sharci-darro ah ka Sameeyaan Gudaha Somalia


Koox fadhigoodu yahay Kenya ayaa shaacisay in ay hayso caddeymo cusub oo sheegaya in militeriga dalka Kenya ee ku sugan Somalia ay ku lug leeyihiin dhoofinta sharci-darrada ah ee dhuxusha dekedda magaalada Kismaayo.

Kooxda warbixintan soo saartay oo lagu magacaabo weriyayaal cadaalad-doonka ah ayaa waxay warbixintooda ku sheegay in ciidamada Kenya ay sidoo kale soo safriyaan sokor sharci-darro ah oo gudaha Kenya la geeyo.

Sidoo kale, warbixintan waxay lagu xusay in ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan ay sanadkiiba 50-milyan oo doollar ka helaan canshuurada dhuxusha iyo sonkorta sida sharci-darrada ah looga dhoofiyo Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidamada Kenya ay u suuro-geliyaan inay lacag ka sameeyaan Al-shabaab, maadama Al-shabaab canshuraan sokorta iyo dhuxusha kasoo baxda Kismaayo oo sii marta deegaannada ay maamulaan inta aysan gaarin Kenya.

Dhoofinta dhuxusha oo lagu sheegay inay tahay isha ugu badan ee Al-shabaab ka lacagaha ka helaan ayay Qaramada Midoobay waxay xayiraado kusoo rogtay Sannadkii 2012-kii, inkastoo xayiraadahaas dhowr jeer la jabiyay.

Qiyasaystii 230 gawaari oo xamuul ah oo sida sokor sharci-darro ah ayaa la sheegay inay ka rartaan magaalada Kismayo toddobaad walba, waxaana warbxinta lagu xusay inaysan sokortan markin sharciyada ganacsiga dunida.

Dhanka kale, waxaa warbixitan lagu sheegay sida duqaymaha militariga dalka Kenya ay ku burburiyeen tuulooyin uu rayidku deggen yahay oo ay ku dilaan shacab; iyagoo marmarka qaarna bar-tilmaaeedyada ceeslaha iyo xoolaha.

Ugu dambeyn, Waxay u muuqtaa in qorayaasha warbixintan ay soo gudbinayaan Sawirro muujinaya in ciidamada Kenya ay maja-xaabinayaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya