GLOBAL NEWS

Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo Maanta Mar kale Gacanta ku dhigay Jannaale


Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ayaa Maanta mar kale la wareegay Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo muddooyinkii u dambeeyay ay gacan ku haynteeda ay dhawr jeer isku bedelayeen xoogaga Al-shabaab iyo Ciidamada huwanta ah ee maanta dib ula Wareegay.

Guddoomiyaha deegaanka Jannaale, C/raxmaan Yuusuf C/nuur ayaa sheegay in Ciidamada Isbahaysanayay aanay wax iska caabin ah kala kulmin xoogaggii Al-shabaab ee Janaale ku ku sugnaa, Wuxuuna xusay in ay ciidamadu Jannaale la Wareegeen markii ay isaga baxeen xoogaggii Al-shabaab.

Sidoo kale, Wuxuu Guddoomiyauhu xusay in ciidamada huwanta ah ay labo jiho ka galeen Deegaanka Jannaale, xaaladda Deegaankana ay Hadda tahay mid aad u Wanaagsan, isagoo shacabka deegaankaas ugu baaqay inay is-dajiyaan.

Ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa Jannaale waxay la wareegeen 04-tii bishan Abriil, inkastoo ay goor dambe isaga baxeen, iyadoo aan la sheegin sababta keentay inay ka baxaan, laakiinse maanta ayay mar kale Janaale dib ula wareegeen, inkastoo aan la ogeyn inay ka baxayaan inay ku sugnaanayaan.

Dowladda Somalia iyo Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin qabsashada ay maanta dib u Qabsadeen Ciidamadooda Deegaanka Jannaale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, sidoo kalena Al-shabaab kama aysan hadlin.

Ugu dambeyntii, Tan iyo Bishii September ee Sannadkii hore oo ay xoogag Al-shabaab ka tirsan Weerar culus ku qaaden saldhigga AMISOM ee deegaanka Jannaale oo ay ciidammo ka socda Uganda ku sugnaayeen, ayaysan xaalada deegaankaasi ahayd mid aan deggenayn oo dhawr jeer gacan ku haynteeda la isku bedelay.