AF-SOOMAALI

Ciidamada dowladda oo isku diyaarinaya weerar ka dhan ah degmada Xarardheere ee gobolka Mudug


Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah degmada Xarardheere ee gobolka Mudug iyo duleedka ka ah oo mudo dheer ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dhaqdhaqaaqan militari wadaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo sidoo kale ay gacan siinayaan ciidamo ajnabi ah oo laakiin aan la sheegin dowladda ay ka socdaan, kuwaa oo qorshahoodu yahay in ay la wareegaan gacan ku heynta degmada Xarardheere.

Ciidamada howlgalka isku diyaarinaya ayaa qaarkood ku sugan hadda deegaanka Ceelhuur oo ku dhow degmada Xarardheere.

Sidoo kale cidamo kale oo qeyb ka ah isla howlgalkan ayaa la sheegay in ay ka dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Camaara, kuwaa oo ku hubeysan gadiidka dagaalka.

Al-shabaab ayaa dhinacooda wada dhaqdhaqaaq ay doonayaan in ay isaga difaacaan gulufka dagaal ee uga soo foolka leh ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, dadka degmada Xarardheere oo ka baqaya dagaalka ayaa bilaabay in ay ka barakacayaan degmada, kadib markii ay ka warheleen qorshaha ciidamada ay ku doonayaan inay kula wareegaan degmadaasi.