GLOBAL NEWS

Ciidamada Amniga Somalia oo soo Qabtay Gaari Qarax uu ka buuxay, Hub & Qof eedeysane ah


Xilligii Afurka ee shalay kaddib ayaa inta badan Muqdisho waxaa laga maqlay Qaraxyo iyo Rasaas, kuwaasoo illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Qaraxyadaas kaddib, ayay hay’adaha amniga Gobolka Banaadir waxaa ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho Hawl-gallo Amniga Caasimada Somalia lagu xaqiijinayo, si looga hor-tago falalka Amni-xumada ah.

Afhayeenka Wasaaradda Aminiga Gudaha Somalia, C/Kaamil Shukri Macallin oo Warbaahinta hadal siiyay – ayaa Sheegay in Qaraxyadii xalay Muqdisho laga maqlay ay ahaayeen Baaruud la soo geliyay baco, wax khasaare ahna aysan geysan.

Sidoo kale, Afhayeenka, ayaa u sheegay Waxrbaahinta in Qaraxyadaas lagu damacsanaa in Shacabka ku nool magaalada Muqdisho lagu cabsi-geliyo. balse ay dhankooda adkeynayaan amniga caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Laakiinse, Shacabka ku nool xaafadihii ay madaafiicdii xalay ku dhaceen ayaa iyaguna Warbaahinta u sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen kuwo aad u culus oo dhulka oo dhan gil-gilay.

Dhanka kale, Habeen ka hor ayaa ahayd markii sidan oo kale duqeymo ku dhacay qaybo ka mid ah Muqdisho, waxaa ku dhintay dad waaweyn iyo carruur, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro oo shacab ah.

Ugu dambeyn Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Somalia ee NISA, ayaa iyaguna hawlgallo ay ka sameeyeen Degmada Yaaqshiid kusoo qabtay hub, gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay iyo qof hubkaan lagu soo qabtay.