AF-SOOMAALI

Cayaar Adag oo Banaadir Stadium ku Dhex-martay Kooxaha Jubbaland iyo Galmudug


Ciyaar ka tirsanayd Tartanka Kubadda Cagta ee gobollada dalka oo Maalmahaan ka socday Muqdisho – ayaa Waxay shalay ku Dhex-martay Garoonka Banaadir Stadium Kooxo kala matalayay Jubbaland iyo Galmudug, iyadoo ay guushu raacday Cayaartoyda Jubbaland.

Billowgii cayaarta ayaa labada kooxood waxay lasoo baxeen ciyaar-wanaag ku dhisnay difaac iyo weerar, waxaana cayaartoyda Galmudug ay durbaba la yimaadeen gool ay ku hubsadeen shabaqa Jubbaland, inkastoo daqiiqado yar kaddib uu keenay xiddiga dhinaca Weerarka kaga ciyaara Jubbaland uu u soo hooyay kooxdiis gool, kaasoo ka dhigtay cayaarta bar-barro lagu kala nastay qaybtii hore ee cayaarta.

Qaybta labaad ee ayay labada dhinacba muujiyeen cayaar xiiso badan, iyadoo gool labaad ay la yimaadeen xulka Jubbaland, iyadoo cayaarta ay hoggaanka u qabtay kooxda Jubbaland.

Cayaartoyada labada dhinac ayaa lumiyay fursado wanaagsan oo gool noqon karay, iyadoo garoonka ay soo buuxiyeen dadweyne fara badan oo daawanayay cayaarta, waxaana cayaartu ay kusoo dhammaatay 1-2 ay guushu ku raacday Xulkii Jubbaland Metelayay.

Ugu dambeyn, Xulka Jubbaland ayay tani u noqonaysaa guushii ugu horeysay ee uu tartankan ka gaaro, iyadoo kulankii kan ka horreeyay ay Jubbalad iska horyimaadeen kooxaha Hiiraan Iyo Shabeellada Shexe, kuwaasoo ay guushu ku raacday xulalka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.