AF-SOOMAALI

Cali C/llaahi Cosoble Siyaad oo Maanta loo Doortay Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle


Musharrax Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad, ayaa loo Doortay Madaxweynaha Maauml-goboleedka Hir-shabeelle, kaddib Doorasho Goor-dhaw ka billaabatay degmada Jowhar, kaddib markii uu tartankan uu kaga adkaaday musharraxii la tartamayay.

XIldhibaannada Codeeyya oo tiradoodu ahayd 98-xubnood, ayaa waxaa 61 cod oo ka mid ah helay Cali C/llaahi Cosoble Siyaad, halka musharraxii xilka kula tartamayay oo ahaa; Maxamed Cabdi Waare uu helay 36-cod, waxaana xumaaday hal cod oo keliya.

Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay tirinta codadka kaddib, in xilka Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle uu ku guuleystay Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad.

Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen iyo Siddeeddii xubnood ee dhawaan loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, ayaa goobjoog ka ahaa doorashada ka dhacday degmada Jowhar.

Ugu dambeyn, Waxaa iyadana billaabatay doorashada Madaxweyne ku xigeenka oo ay ku tartamayaan laba musharrax, waxaadna natiijada kula socon doontaan Wararka soo Socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.