AF-SOOMAALI

Cadaado: Baarlamaankii Gal-Mudug oo riday ‘Madaxweyne’


Wararka ka imanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Barlamaanka Maamul Goboleedka Gal-mudug uu ka qaaday xilkii Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed, tillaabadaas oo u muuqata mirihii ka dhashay khilaaf muddaba soo jiray.

Guddoomiyihii Barlamaanka, Cali Gacal Casir, oo Muqdisho ku sugan ayan arrinta ka hadlin, laakiin waxaa ku gacan-sayray Cabdikariim oo ku tilmaamay go’aanka mid ka soo baxay koox yar, dano kale oo uusan daboolka ka qaadinna laga leeyahay.

Tirada xildhibaannada Barlamaanka G/Mudug waa 89, waxaana kulanka xil ka-qaadista Madaxweynaha soo xaadiray 54 xubnood uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenkii Barlamaanka Xareed Cali xareed.

Waa markii u horreysay oo Barlamaan Goboleed ka mid ah kuwii ku dhismay habkii xukuumadda Xasan Sheekh uu qaado tillaabo xilka looga qaadayo madaxweynihii.

Qodobbada loo cuskaday xil ka-qaadista Cabdikariim Guuleed waxaa ka mid ah in uu hareer maray dastuurkii Maamul-goboleedka, iskana fariistay Xamar, isaga oo ku milmay kooxaysiga iyo musuqa halkaas ka socda.

Waxaa kale oo ka mid ah in uu dayacay xilkii ka saarnaa dib u heshiisiinta Gobolka, xilli xasasi ah oo lagu jiro abaaro, dalkuna ku hawlanyahay doorasho muran badani ka taaganyahay, iyo isaga oo ku xadgudbay ilaa 18 qodob oo Dastuurka G/Mudug ah.

Dhibaatooyinka Galmudug ka jira, tan iyo dhismeheedii waxaa ka mid ah Xaruntii Dh/Marreeb oo weli kooxo diimeed ka taliyaan, maamullo kale oo meelo kale looga dhawaaqay iyo dagaallo kala dhexeeya Puntland.

Waxaa kale oo horey u jirtay mashkiladdii dastuuriga ahayd ee Maamul Goboleed ka kooban 1 Gobol iyo bar. Taas oo ka soo horjeedda Dastuurka Federaalka ah oo isagauba iinihiisa u gaarka ah leh.