AF-SOOMAALI

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ” Xildhibaannadii carqaladeeyay hadal jeedintii madaxweynaha furitaankii kalfadhigii Baarlamanka, ma aheyn wax khalad ah”


Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay arrintii dhowaan ka dhacday furitaankii kalfadhigii 7-aad ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo aheyd xilidhibaannadii carqaladeeyay hadal jeedintii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo magaalada Nairobi wareysi gaar ah ku siiyay Telefashinka Dalsan ayaa ugu horreyn soo dhoweeyay tallaabada xildhibaannadii madaxweynaha ka hor yimid oo qaarkood Firinbiga yeeriyay, isagoo tilmaamay in ay u dulqaadan waayeen hannaanka geeddi socodka maamul ee hadda ka jira Soomaaliya.

“Waa caadi oo Baarlamaannada dunida ayaa la isku buuqaa oo Firinbi la isku yeeriyaa “ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Waxa uu dhinaca kale sheegay in madaxweyne Farmaajo uu siiyay talo aad u wanaagsaneyd oo ku saabsan inuu dib u saxo wixii uu horay u khalday, islamarkaana uu ka gudbo siyaasadda xanaaqa, kala irdheynta iyo faanka ku dhisan, sida uu hadalka u dhigay.

“Khudbaddii uu jeedinayay waxay aheyd tii ugu dembeysay oo dastuuri ah oo uu Baarlamanka ka hor jeediyo, waxay aheyd inuu sameeyo furfurnaan iyo isu-soo dhowaanshiyo” ayuu mar Kale yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

“Nasiib-darro, jidkii aan u sheegnay mid aan aheyn ayuu maray, wuxuuna sii waday faankiisii iyo xanaaqiisii “ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay arrimaha doorashada qof iyo codka ah oo uu madaxweynahu uu sheegay in dalka laga qabanayo , islamarkaana ay ku dalaalayaan arrintaasi, laakiin hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa arrimahaasi ku sheegay in hab dhahaalka hadalku uu wanaagsanyahay, hase-ahaatee wuxuu hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Farmaajo laga rabay in uu howshaas kol hore qabto, haddana hadalkiisa loo fasiri karo mid uu ku raadinayo in waqti dheeri ah xilka loogu daro.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu kamid yahay hoggaamiyayaasha Axsaabta mucaaradka dalka kuwooda ugu hadalka kulul ee dowladda Madaxweyne Farmaajo aadna u naqdiya, isagoo soo bandhigo inta badan meelaha dowladda ay ka gaabisay in ay wax ka qabato, waxa uuna hab mucaaradkiisa la mid yahay kan ka jira waddamada dimuquraadiyadda buuxda ay ka jirto, laakiin dadka qaar ayaa dhaliila sida togan ee uu wax u sheego.