AF-SOOMAALI

Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo ku guuleystay guddoomiyaha aqalka sare


Waxaa goor dhaw soo dhamaantay doorashada guddoomiyaha aqalka sare oo ay ku tartameen labo musharax, waxaana ku guuleystay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Cabdi Xaaji C/dulllaahi ayaa hellay 43 cod, halka musharixii la tartamayay Mustafe Max’ed Qodax uu hellay 9 cod, iyadoo guud ahaan xildhibaannada codadka dhiibtay gaarayeen 52 xildhibaan.

Cabdi Xaanshi Cabdullaahi Guddoomiyaha cusub ee aqalka sare oo hadal kooban jeediyay ayaa u mahad celiyay dhamaanba xubanaha aqalka sare, isaga oo sheegay in uu gollaha ku hogaamin doono cadaalad iyo sinnaan.

Waxaa dhawaan bilaaban doonta codeynta guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad oo ay u sharaxan yihiin ilaa 14 xildhibaan.