GLOBAL NEWS

BOOSAASO: Ganacsade caan ahaa oo ay Kooxo Hubeysani Xalay Toogteen oo Maanta la aasay


Ganacsade Xirsi Aadan oo ku magic-dheeraa Xirsi Adduunyo ayay xalay waxay kooxo hubeysna ku Toogteen degmada Boosaaso ee gobolka Bari, iyadoo ganacsadaha maanta lagu Aasay Boosaaso.

Kooxaha hubeysan ee toogtay ganacsadahan oo aan haybtooda la garanayn ayaa la sheegay inay ku toogteen xaruntiisa ganacsi ee Hubaal oo ku taalla Koonfurta magaalada Boosaaso, iyadoo dilka kaddibna ay kooxuhu baxsadeen.

Sidoo kale, Ganacsadaha la dilay ayaa la sheegay in Toddobaadyo ka hor ay ku Handadeen gudaha Degmada Boosaaso, iyagoo ka qaatay wixii Agab ahaa ee uu watay, inkastoo aysan jirin waxyeello ay gaarsiiyeen.

Marxuum Xirsi Adduunyo ayaa wuxuu ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee ka sameeyay magaalada Boosaaso ganacsiyo fara badan, Wuxuuna ahaa ganacsade keeni jiray shidaalka, isagoo sameeyay Shirkadda shidaalka ee Hubaal, dhawaanna uu qorsheynayay in dulleedka Boosaaso uu ka sameeyo Warshad biyaha sifeysa.

Illaa hadda lama oga kooxaha geystay dilka Ganacsadahaan iyo Sababta ay u dileen toona, iyadoo laamaha Ammaanka Puntland, Gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Boosaaso aysan weli ka hadlin dilka marxuum Xirsi Adduunyo.

Dhanka kale, Ganacsadahaan xalay Toogashada lagu dilay ayaa Maanta oo Arbaco ah lagu Aasay Boosaaso, iyadoo Aaska ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, culummo, wax-garad, ganacsato iyo Dadweyne fara badan.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo dilal noocan ah ay ka dhacaan deegaanno ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasoo inta badan lagu beegsado mas’uuliyiinta Puntland, culumada iyo dad kale ee howlaha muhiimka ah u haya bulshada.