AF-SOOMAALI

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigan ninkii dilay Agaasimihii Maxkamadda Sare ee dalka


Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble, ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay gacanta kusoo dhigeen nin horay Muqdisho ugu dilay Agaasimihii Maxkamadda Sare ee dalka.

“Iskaashi ay sameeyen ciidanka Booliska kadib, waxaa ay gacanta ku soo dhigeen Faarax Cali Nuur Xeyle, oo dilay Agaasimihii Maxkamadda Sare ee dalka, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaana cadaaladda loo horgeyn doonaa”, sidaasi waxaa yiri Qaasim Axmed Rooble.

Afhayeenka Booliska, ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu saxaafadda kula hadlayay magaalladda Muqdishu ee caasimada dalka Soomaaliya.

Agaasimihii maamulka Maxkamadda sare ee dalka Marxuum Mursal Cumar Cismaan, ayaa waxaa la dilay 9-kii bishii 5-aad ee sanadkan.

Dhinaca kale horaantii bishan ayeey aheyd kadib, markii ciidamo ilaalo u ahaa Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka rasaas ay fureen uu ku geeryooday Wasiirkii Howlaha Guud iyo dibudhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabbaas Siraaji.