AF-SOOMAALI

Beesha caalamka oo fariin u dirtay hogaamiyayaasha madasha wadatashiga


War-saxafadeed ka soo baxay QM, Midowga Africa, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italia, Sweden, UK iyo Mareykanka, ayaa loogu baaqay hogaamiyayaasha madasha wadatashiga Qaran in la qabto doorasho daah furan, islamarkaana la xisaabtan iyo sharciyada ku dhisan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula socdeen howsha guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka, iyo toosh ku iftiiminta wararka la xariira in wax isdaba marin qatar ah dhacday intii lagu guda jiray hanaanka doorashada, sida iyadoo la sameeyey musuqmaasuq, Cabsi galin, Afduub, iyo iyadoo lagu tagri-faley ergada lasoo qorey laguna guul dareystey in loo hoggaansamo sidii loo baahnaa in loo raaco hanaanka qoondada kuraasta dumarka.

Beesha Caalamka ayaa codsanaysa in sharaxaad laga bixiyo sida 24 kursi oo markii hore la galiyey in dib u eegis lagu sameeyo ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ugu soo koobeen oo kaliya 11.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guddiga xalinta khilaafaadka ay mas’uul ka yihiin in ay banaanka soo dhigaan xaqiiqda ku dahaaran iyo sida looga saarey kuraasta qaarkood, qaarkoodna looga diidey liiska
dib ugu celinta doorashada.

Xubnaha Beesha caalamka waxaa kale oo ay xaqiijiyeen hoggaamiyaasha Madasha Qaran iyo Guddiga Xalinta khilaafaadka in aragtida iyo qotada kala aragti duwaanaashiyahooda aanan la daah-rogin ay noqonayaan kuwa
saldhig u noqda go’aanka gaarista natjiiada doorashada ee waxba kama jiraan lagu tilmaamey ee dib loogu noqonayo.

Ugu danbeyntii, war-saxaafadeedkan ayaa imanaya xili wali hogaamiyayaasha madasha soo saarin go’aan leysku wada raacsan yahay oo lagu asteeynayo waqtiga kama danbeysta ah ee doorashada.