AF-SOOMAALI

Beesha caalamka ku baaqday in lagu dhaqsado doorashada madaxweynaha Soomaaliya


Beesha caalamka ayaa ugu baaqaday labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya in deg deg loo guda-gallo dhismaha guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doona doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in ay u taallo xildhibaanada cusub shaqo culus oo loo baahan yahay in ay u wajahaan si deg deg ah.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in doorashada madaxweynaha Soomaaliya loo baahan yahay in ay ku dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan madaam lagu guuleystay doorashada gudoonka aqalka sare.

QM iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale xildhibaanada cusub ugu baaqay in ay ka fogaadaan in lacag ay ka qaataan musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

” Xidhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga doonaaya in ay doortaan hoggaan aysan sumcadooda ku xumeyn oo aysan ka qaadan kharashaad, waxaana xildhibaanada ka codsanaynaa in ay doortaan hoggaan ay ku qanci karaan bulshada Soomaaliyeed iyo sidoo kale beesha caalamka”

“Isla markaana Soomaaliya waxaa soo food saartay caqabado badan oo ay ka mid yihiin abaaraha, shaqo la’aan iyo amni-darro, baarlamaanka waxaa ay fursad u leeyihiin inay doortaan hoggaan kaasi wax ka qaban kara baahida aasaasiga ah muwaadiniinta ” ayuu yiri Michael Keating, ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii la soo dhameystiray dooorashada guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in dhawaan kulan wada jir ah yeeshaan labada aqal ee Soomaaliya oo ka arinsan doona doorashada madaxweynaha.