GLOBAL NEWS

Beelaha ay kasoo kala Jeedaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland iyo 2-diisa kuxigeen


Sida aan idiin balanqaadnay waxaan halkan idiinku soo Gudbinaynaa beelaha ay kasoo kala Jeedaan Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland iyo 2-diisa kuxigeen oo maalinkii shalay ahaa lagu doortay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Kismaayo. Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan helay 45 cod, codadkii Baarlamaanka, waxaa u kasoo Jeedaa Beesha Digil iyo Midhifle ama Raxanwayn ee wax kadagta Gobolada Jubada dhexe iyo Gedo.

Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Jubbaland mudane Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf wuxuu helay 44 cod, codadkii Baarlamaanka wuxuuna kasoo Jeedaa beesha Daarood, gaar ahaan Qoyska Harti. Gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa ku Guulaystay mudane Cabdi Baaley Xuseen oo aanay cidi la Tartamin, wuxuuna kasoo Jeedaa Beesha Gaaljecel.

Qaramada midoobay, Midowga Yurub, beesha caalamka Urur Goboleedka IGAD, iyo dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa si wada jir ah Hambalyo ugu diray Doorashada maalinkii shalay ahayd ladoortay Hogaamintii Baarlamaanka Dawlada Jubbaland, waxayna madaxda iyo Ergadii caalamiga ahayd ee Goobta Joogta shaaciyeen inay doorashadu u dhacday si xalaal ah.