GLOBAL NEWS

Barnaamij ku saabsan beeraleyda casriga ah oo maanta Garowe lagusoo bandhigay


Pi Garowe) Xasan Cabdullaahi Xasan (Dooyow) oo ah ganacsade reer Puntland oo qurbaha ka yimid ayaa maanta magaalada Garowe kusoo bandhigay barnaamij ku saabsan beeraleyda casriga ah ee Afrika

Barnaamijkaan ayaa Xasan Dooyow wuxuu kusoo bandhigay beero ka kooban nuucayada kala duwan ee qudrada, oo loo beeray hab casri oo ah aan laga aqoon Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Cabdulaahi Cali Xirsi iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday iskaashatada beeralayda Puntland, hay’addaha iyo shirkadaha ganacsiga ayaa ka qeyb galay bandhigaan oo lagu qabtay xayndaab weyn oo dhul beereed ah.

Ganacsade Dooyow ayaa u sheegay kasoo qeyb galayaasha barnaamijkaan in beerahaan casriga ah ay ka kooban yihiin teendhooyin, tubooyin yaryar oo biyaha ku tifqinaya beeraha, meesha lagu koriyo miraha (Neersari), daawo iyo bacrimin.

Mr. Dooyow wuxuu sheegay dallaga kasoo go’a beerahaan inuu u iib geeyo suuqyada Garowe, haday ahaan lahayd Yaanyada, Qaraha iyo Koostada, wuxuuna sheegay barnamaijkaan inuu yahay tusaale yar oo uu ugu talo galay inuu ku dhiiro galiyo beeralayda Puntland iyo dadku inay meel kasta wax ku beeran karaan.

Xasan Yuusuf Kaarshe oo ah gudoomiye ku xigeenka iskaashatada beeralayda Puntland ayaa sheegay habkaan cusub haddii beeralayda Puntland laga caawin lahaa isticmaalkiisa inuu kordhindoono wax soo saarka beeraha iyadoo laga maarmayo in dibada wax laga keeno.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo kamid ahaa kasoo qeyb galayaasha barnaamijkaan ayaa uga mahad celiyay ganacsade Dooyow inuu aqoontiisa uga faa’idaynayo dalkiisa hooyo, si uu shacabkiisu baro, sida dhul yar wax loogu maalgashado wax badana loolasoo bixi lahaa, wuxuuna ugu baaqay dadka aqoonta ee dalka dibadiisa jooga inay aqoontooda dalkooda uga faa’ideeyaan.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Cabdulaahi Cali Xirsi ayaa soo dhoweeyay barnaamijkaan beeralayda casriga, wuxuuna hay’addaha taageera beeralayda ugu baaqay inay caawintooda u badalaan habkaan cusub, halkii tababaro lagu bixin lahaa dhaqaalaha ugu badan.

Wasiirka beeraha ayaa ku booriyay ganacasatadaan inuu habkaan cusub ku caawiyo beeralayda Puntland si looga baxo dhibaatooyinka beeraha ka taagan iyo xirmaysiga dhulka.

Waa markii ugu horeysay oo barnaamij caynkaan oo kale ah lagusoo bandhigo Puntand.