AF-SOOMAALI

Bankiga Aduunka oo lacag dhan $ 50 Million ugu deeqay Soomaaliya


Wasiirka wasaarrada maaliyada Cabdiraxmaan Ducaalle Beylle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay wax yaabihii u qabsoomay wasaaradiisa iyo guud ahaanba dowladda mudadii 60ka cisho aheyd ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa sheegay in Bankiga aduunka uu ugu deeqay dowladda Soomaaliya lacaag dhan $ 50 Million oo doolar, soo sidda uu hadalka u dhigay loogu tallagalay in wax looga qabto arimaha abaaraha iyo dib u soo kabashada dhaqaalle.

‘’Bankiga aduunka kulan ay yeesheen kaddib xiriir ayeey shalay nala soo sameeyeen waxaa ay inoo sheegeen in ay ku deeqeen lacag dhan $ 50 Million oo doolar, lacagtan waxaa loogu tallagalay in wax looga qabto arrimaha abaaraha iyo dib u soo kabashada dhaqaalle’’ ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in dowladda bixisay dhamaanba mishaarkii ciidamada dowladda, isaga oo meesha ka saaray gadood ay dhawaan sameeyeen ciidamada dowladda oo ka cabanayay mishaar la’aan.