GLOBAL NEWS

Bankiga Adduunka oo bogaadiyay Huf-naanta Nidaamka Maaliyadeed ee Somalia


Bangiga Adduunka ayaa bogaadiyay hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya, kaddib kulan ballaaran oo maanta Muqdisho ka dhacay, kaasoo looga hadlay horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa ku-simaha RW Somalia, Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda, waxaana sidoo kale joogay khubaro iyo saraakiil sare oo ka socotay Bankiga Adduunka.

Sidoo kale, kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin uu diyaariyay Bankiga Adduunka, taasoo cabiraysay nidaaamka maaliyadeed ee dalka, waxaana lagu xusay in saddexdii sano ee ugu dambeeyay ay Somalia gaartay horumar baaxad leh oo dhanka amniga, dib u dhiska iyo hagaajinta hay’adaha maaliyada Soomaaliya, waxaana lagu xusay in loo baahan yahay sharciyo loo dejiyo nidaamka dhaqaale ee Soomaaliya, si loo helo maal-gelin shisheeye iyo tayeynta nidaamka ganacsiga waddanka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay oo haatan ku shaqeeya xaalad adag.

Bella Bird oo ah u qaybsanaha Bankiga Adduunka ee Somalia ayaa sheegtay in Somalia ku tallaabsatay horumar muuqda, loona baahan yahay in lasii wado, iyadoo xustay in nabadda iyo xasilinta dalka ay qayb weyn ka qaadan karto dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha.

“Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Smalia, wuxuu sameeyay horumar baaxad leh, waxaana loo baahan yahay inay abuuraan fursado shaqo oo dhalinyarada Soomaaliyeed ay si weyn uga faaa’iideysan karaan,” ayay tiri Bella Bird.

Ku-simaha RW Somalia, Maxamed Cumar Carte oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyey warbixinta uu soo bandhigay Bankiga Adduunka, isagoo xusay in xukuumadda Federaalku ku dadaashay sidii loo heli lahaa nidaam hufan oo maaliyadeed.

“Xukuumaddu waxay ku dadaashay yareynta kharashaadkii bixi jiray, waxayna kordhisay dakhliga gudaha, iyadoo uu jiro horumar dhan walba leh sida; amniga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka,” ayuu yiri Carte.

Ugu dambeyn, Carte ayaa tilmaamay inay muhiimad gaar ah ay u leedahay shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed, si loo yareeyo khataraha ay dhallinyarada ku duufsadaan kooxaha argagixisada ah.