GLOBAL NEWS

Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo Maanta Meel-mariyay Miisaaniyadda Sanadkan 2016-ka


Kulan ay Maanta isugu yimaadeen Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland ayaa waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda sanadda 2016, taasoo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda Jubaland.

Baarlamaanka ayaa qorshaha miisaaniyadda sanadka waxaa loo gudbiyay laba maalmood kahor, Waxayna isugu yimaadeen laba kulan oo ay uga Doodayeen Miisaaniyadda ay soo gudbisay Wasaaradda.

Xildhibaannada oo shalay gellinkii danbe isugu yimid kulan qaatay muddo saacado ah ayaa dood dheer kaddib Waxay Ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadkan ee Maamulka Jubbaland, ayagoo si gacan taag ugu codeeyay ansixinta miisaaniyadda.

Natiijadii kasoo baxday kulankii baarlamanka ee shalay ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay Guddoomiyaha gudiga Maaliyadda iyo la Xisaabtanka baarlamanka Cali Cabdi Maxamuud oo sheegay inay kulankii shalay soo xaadireen 53 Xildhibaan, iyadoo 40 Mudane ayaa An-sixisay, sagaal waa ay diidday, halka laba kalena ay ka aamuseen.

Xildhibaan, Cismaan Xuseen Bistoolo oo kamid ah mudaneyaasha baarlamanka Jubbaland ayaa sheegay in Miisaaniyadda la Ansixiyay ee Sanadkan ay gaareeyso illaa $12, 372, 273, isagoo sheegay in Xildhibaanadu ay dood-dheer kaddib ay si Aqlabiyad ah ku Ansixiyeen.

Miisaaniyadda uu Baarlamanka Jubaland ansixiyay ayaa kusoo aadeeysa xilli isha dhaqaale ee ugu weyn ee Jubbaland ay tahay Dekedda Kismaaayo, taasoo aalaaba ay Hawlaheedu ku yiraadeen hakad xilliyada bad-xiranka ee ay dabeeylaha ka kacaan badda.