AF-SOOMAALI

Baarlamaanka cusub oo go’aan ka gaaraya waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya


Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Avv. Cumar Max’uud C/dulle [Cumar Dhagey] ayaa sheegay in baarlamaanka cusub looga fadhiyo waqtiga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howsha guddiga doorashada dadban ku eg tahay marka la tiro uu ku buuxsamayo kooramka baarlamaanka cusub oo la wareegi doona go’aan ka gaarista waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynana.

”Hadda waxaa la soo gudbiyay oo diyaar ah tiro badan oo ka mid noqonaya baarlamaanka cusub, waxaana dhawaan la filayaa inta aan la gaarin xiligii doorahada madaxweyahain kooramka baarlamaanka buuxsamayo, waxaa diyaar ah oo la hayaa liiska 145 xildhibaan, haddii la hello ilaa 30 xildhibaan oo kale, looma baahna in guddigu go’aan gaaro”ayuu yiri Cumar Dhagey.

Ugu danbeyntii, warka ka soo yeeray guddiga doorashada ayaa imanaya xili maalmo kooban ay ka harsan tahay waqtigii loo qabtay in ay dhacdo doorashada madaxweyaha, waxaana meesha ka muuqanaya in dib u dhac kale uu iman karo.