AF-SOOMAALI

Baarlamaanka cusub oo go’aammo ka soo saaraya geedi socodka doorashada hogaanka sare ee dalka


Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa in kulankiisii labaad Kalfadhigiisii koowaad maalinta beri ah uga doodaa qodobo dhowr ah oo dhamaantood marka la eego muhiim u ah geedi socodka doorashada hogaanka sare ee dalka.

Kulanka labaad ee baarlamaanka oo noqon doona mid muhiim ah ayaa la filayaa in lagu asteeyo waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka, sidoo kalana looga dhawaaqo gudiga doorashada hogaanka labada aqal.

Xog-hayaha guud ee baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa horay u sheegey in mudo 10 cisho ah lagu dooran doono guddoonka sare ee baarlamaanka, taasoo macnaheedu noqonayo in ilaa 10 bisha Janaayo ee sanadka 2017da lagu dhameystiri karo howsha doorashada guddoonka labada aqal.

27kii bishan ayaa la dhaariyay inta badan xildhibaannada baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya, waloow wali ay harsan yihiin tiro badan oo xildhibaano ah, kuwaa oo la soo dhameystiri doono maalmaha soo socda.

Madasha wadatashiga Qaran ayaa war-saxaafadeed habeen ka hor ka soo baxay waxaa lagu hakiyay 18kii kursi ee horay loogu kordhiyay xubnaha aqalka sare, kadib markii laga sii war helay in qodobkan dood weyn ka dhax abuuri doono fadhiyada ugu soo horeeya ee xildhibaannada baarlamaanka.

Guddoomiyaha KMG ee baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre ayaa horay u sheegay in wixii hadda ka danbeeya sameynta sharciyada lagu hayo siyaasada go’aan ka gaari doonaan xildhibaannada baarlamaanka oo sharciyan awood u leh jaangoynta xiliyada la qabanayo doorashada iyo wixii sharuuc ah ee la xiriira.