GLOBAL NEWS

Baaritaankii Qaraxii ka dhacay Diyaaradii Daallo Airlines oo ay kusoo biirtay FBI-da Mareykanka


Saraakiil ka tirsan FBI-da dalka Mareykanka ayaa soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay ku biireen Hay’adihii amaan ee horay baarista ugu waday qaraxii diyaaraddii Daallo Airlines.

Diyaaradan oo ka duushay garoonka Muqdisho ayuu Qaraxu qabsaday Talaadadii aanu ka soo gudubnay xilli ay kusii jeeday dalka Jabuuti, waxaana qaraxa oo aan si dhab ah loo sheegin noocisa ku dhintay hal qof, iyadoo ay laba ruux oo kale ka mid rakaabkiinna ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Khuburadan ka socda FBI-da Mareykanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan hay’adda duulimaadka hawada Somalia, iyagoo xusay in khuburadan ay dalka u yimaadeen in la ogaado waxa dhabta ah ee Qaraxaasi uu ahaa.

Agaasimaha Duulimadyada Somalia, C/waxiid Sheekh Cumar ayaa sheegay inay dowladda Somalia ka dalbaday xukuumadda Washington in baaritaanka ay wadaan laga Caawiyo.

Sidoo kale, agaasimaha oo wareysi siinayay NBCnews, ayaa wuxuu yiri “Waxaan rabaa in baaritaan dhab ah la sameeyo si loo qanciyo ciidamada Amaanka, shacabka iyo dhammaan dadka ay wixii dhacay khuseeyaan.”

C/waaxid Sh. Cumar ayaa hadalkiisa ku daray in hay’adda FBI-da dalka Mareykanka ay ku Casuumeen baaritaanka hadda socda, wuxuuna intaas ku daray in Baarista socoda ay Qayb ka yihiin saraakiil Soomaali ah oo kusoo Tababartay Brtiain.

Ugu dambeyn, saraakiil ka socda dowladda Gariigga ayaa ka mid ah xubnaha ku lugta leh baaritaanka shilkii diyaaradeed ee Muqdisho ka dhacay, iyadoo wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan in loo maleynayo in qaraxan uu ahaa mid ka dhashay bam.