GLOBAL NEWS

AXMED MADOOBE: Waxaan qabaa meel Walba oo la Tago Waxaa ka fiican inay Soomaali tashato


Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Maanta ka Ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, isagoo ku sii jeeda Magaalada Nairobi, halkaasoo uu kasii aadi doono dalka Turkiga oo la filayo inuu ka furmo shir ay isugu imanayaan madaxda dalka ayaa sheegay in siyaasiyiinta Somalia ay habboon tahay inay aayahooda ka tashadaan.

Madaxweynaha oo faahfaahinayay shirka ka furmi doona magaalada Istanbul ayaa sheegay in arrimaha diiradda lagu saari doono ay ka mid yihiin isbadalka siyaasadda Soomaaliya ee Sannadkan wejiga ay noqon doonto iyo Arrimaha Ammaanka.

“Waxaan Anigu rumeysanahay waxa weeyaan, Istanbul ama London hala tageen, waxaa ka wanaagsan Soomaalidu inay iyadu Tashato oo dhexdooda ay wax isku ogaataa, Waana taas midda ugu wanaagsan,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale, Wuxuu Xusay in Beesha Caalamka iyo Waddamada kale ee Somalia Saaxiibka la ah waxay madaxda ka caawinayaan inay soo dhaweynayaan, balse la doonayo in Aayaha iyo Mustaqbalka dalka ay madaxda Soomaaliyeed go’aan ka gaarto.

Dalka Soomaaliya oo dowlad la’aan kusoo jiray mudo ka badan 20 sano, ayaa waxaa imika ka jirta dowlad federaal ah oo caalamku aqoonsantahay, Waxaana qeybo badan oo dalka ka mid ah ku sugan Al-shabaab iyo kooxo kale oo Taageersan kooxda lagu magacaabo ISIS.