GLOBAL NEWS

AXMED MADOOBE: Waa in Beesha Caalamka lala Xisaatamo Arimaheenna gaar noo noqdaan


Madaxweynaha Jubbaland, Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) ayaa shirka wadatashiga ee Muqdisho ka sheegay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo Beesha Caalamka, shaqada la qabanayana ay noqoto mid ay Soomaalidu leeyihiin.

Sh. Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo xilligii arrimaha Soomaalida gacanta loo gelin jiray beesha caalamka, isla markaana ay wax walba oo ay Soomaalidu gaarto ay tahay inay iyagu fushadaan oo aysan soo gelin gacmo shisheeye.

“Cid walba in lala xisaabtamo ayaa loo baahan yahay. Beesha Caalamka waa in lala xisaabtamo, waayo wax walba waa inaan innagu qabsanno, sidoo kalena caalamku ay gacan na siiyaan oo keliya, qorshahase waa inuu noqdaa mid aan innagu leennahay,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Ma ahan in arrimaheenna gaarka ah la weydiiyo mar walba Nicholas Kay iyo xubnaha kale ee caalamka halkan ka jooga, waa in arrimaheennu ay noqdaan mid aan innagu leennahay oo aanay jirin cid faragelin ku sameyn karta.”

Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay doorashada sannadka soo socda ee 2016-ka, isagoo xusay inuu ku talinayo in madaxda maamullada dalka ka jira iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka ay danahooda gaarka ah ka hor-mariyaan danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, shirka wada-tashiga doorashooyinka sannadka 2016-ka ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba-gabeeyo lagana soo saaro war-murtiyeed la isku raacsan yahay, iyadoo kulammada kan xiga ay ka dhici doonaan gobollada dalka.