GLOBAL NEWS

AXMED MADOOBE: Waa Guul Taariikhi ah inay Madaxda Soomaaliya Kaligood Go’aano Gaaraan


Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho lagu qabtay, kaas oo looga hadlayay Doorashooyinka Dalka ka dhici doona Sannadkaan, ayna kasoo baxeen Go’aanno la xiriira Doorashooyinka.

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in Wada-tashigii Muqdisho uu ahaa mid ay hoggaamiyeyaashu uga hadleen Mustaqbalka Somalia, isagoo hadalkiisa ku daray inay ahayd Guul Taariikhi ah in Hoggaamiyeyaasha Somalia oo aanay cidi ku dhex-jirin ay heshiis gaaraan.

“Anigu waxaan oran karaa guul Taariikhi ah ayay ahayd in Hoggaamiyeyaasha Soomaalida oo aanay ku dhex-jirin cid kale ay heshiis gaaraan, Beesha Caalamku Shirkaas cidi kama joojin,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo Wariyeyaasha kula hadlayay Kismaayo.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa xusay in go’aannada laga doodayay aysan aheyn kuwo jilicsan, laakiin la muujiyay isku-tanaasul iyo mas’uuliyad, taas oo uu sheegay inay ahayd in shirka ay go’aanno la isku raacsan yahay kasoo baxaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaas ku daray in soo xulitaanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay u taallo maamul-goboleedyada, Halka Aqalka Hoose uu ka imaan doono xildhibaan walba deegaanka laga soo xuli doono.

“Arrinkaan, wuxuu meesha ka saaraysaa shakiyo badan oo la qabay, kuwaasoo ku saabsan waqti-hawleedka Baarlamanka Federaalka Somalia ee hadda shaqeynaya,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Ugu dambeyn, Bisha Ogoosto ee Sannadkan 2016-ka ayaa la qorsheynayaa in labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya lasoo xulo, kuwaasoo soo dooran doona Guddoonkooda iyo Madaxweynaha ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.