GLOBAL NEWS

AXMED MADOOBE: Shirka Go’aanka Doorashooyinka lagu gaarayo wuxuu ka dhici doonaa Kismaayo


Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in go’aanka ugu dambeeyay ee habka doorasho ee dalka ka dhacaysa lagu gaari doono degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wuxuu hadalkiisa ku daray Axmed Madoobe in la isugu soo laaban doono Shirar kale, isla markaana la gaari doono heshiis dhameystiran, isagoo Xusay in shirka ugu dambeeyay ee go’aanka looga gaarayo arrimaha doorashooyinka uu ka dhici doono magaalada Kismaayo.

“Reer Kismaayo haddaan nahay naguma cusba, marti-gelinta waanu barannay, wax culeys ah nama saarayso, saxiixa ugu dambeeya Kismaayo ayuu ka dhacaa, si la mid ah shirarkii Garoowe I & Garowe II ee dhacay 2012-kii loogana gudbay marxaladdii siyaasadeed ee Soomaaliya xilligaas ka jirtay,” ayuu yiri Madoobe.

Wadahadalladii Kismaayo ka dhacay ayay madaxda Soomaalidu waxay uga hadleen sidii ay isugu raaci lahaayeen qaab doorasho oo la isku waafaqsan yahay, balse nasiib-darro wax natiijo ah oo shirkaas kasoo baxay ma aysan jirin.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in shir kale oo looga hadlayo isla doorashada uu ka dhici doono magaalada Muqdisho, inkastoo aan la sheegin xilliga uu shirku dhacayo & xubnaha ka qayb-galaya.

Ugu dambeyn, beesha caalamka ayaa soo dhaweysay shirkii Kismaayo, iyagoo sheegay in inkastoo kulankaas aysan qodobbo kasoo bixin shirkas hadda uu ahaa mid ay isugu tageen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo ay aayaha Soomaaliya kawada hadleen.

Beesha Caalamka ayaa xustay inaysan jiri doonin wax muddo kororsi ah oo loo sameynayo dowladda federaalka Somalia ee xilligan shaqeynaysa, ayna ka doonayaan madaxda dalka inay la yimaadaan qorshe cad oo deg-deg ah.