AF-SOOMAALI

Axmed Madoobe oo Soo xiray kala fadhigii labaad ee Golaha Wakiilada Jubbaland


Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo xiray kala fadhigii labaad ee Baarlamaanka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wakiilada u jeediyay qudbad dheer oo uu kaga hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen Arimaha Amaanka, Dhaqaalaha, Hananka Dowliga ah, iyo Xoraynta ayuu si weyn diirada ugu saaray Madaxweynahu qudbada uu Maanta ka jeediyay Xarunta Golaha Baarlamaanka.

Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sheegay in amaanka deeganada xorta ah ee Jubbaland uu yahay mid wanaagsan oo la isku halayn karo taas oo ay suurta galiyeen Hay’adaha kala duwan ee Nabadgalyada oo uu xusay in la’aantood ayna wax badan Dowlada u qabsoomeen.

“Kismaayo oo ah halka aan maanta joogno amaan buuxa oo aad wada ogtihiin sida uu ku yimid ayaa maanta ka jira oo ay sahleen Allah ka sakow Ciidamada oo kaashanaya dadweynaha” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Dadweynaha ayuu ka codsaday in ay garab istaagan Hay’adaha amaanka oo ay shaqadooda u fududeeyaan.

Mar uu ka hadlayay Dhibaatada Kooxaha Nabad’diidka ah ay ku hayaan Bulshada xoolo dhaqatada ah ayuu sheegay in ay Dowladu garab taagan tahay dadkaas oo ay ilaa hada hubaysay qaar badan oo kamid ah dadka deeganka kuwaas oo xoolahii ay ka dheceen Al-Shabaab dib uga soo furtay Ciidamada Dowladana hada la hawlgalaya.

Deeganada wali ay ku harsan yihiin Kooxaha Argagixisada ah ayuu xusay in la xorayn doono oo ay sugayaan oo kaliyah in si wada jir ah hawlgalka loo bilaabo.

Arimaha Dhaqaalaha ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sheegay in ay wax badan oo culays ah uu ka jiro deeganada dalka oo aan isku furayn taasna ay meesha ka baxayso marka hawlgalka xorayntu uu bilawdo.

“Dhaqaalaha Dowladu wax badan ayay ka qabatay oo ay ugu horayso hawsha ay hayso Wasaarada Maaliyadu lakiin waxaa culays uu ka jiraa deeganada oo isku socodkooda dhinaca dhulka ah uu adag yahay” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Siyaasada Soomaaliya ayuu xusay in uu rajaynayo in ay wax badan iska badalaan bilawga sanadkan isagoo Xildhibaanada Federaalka ku booriyay in ay doortan qof Soomaaliya halka ay joogto kasii wadi kara oo Hogaamin wanaagsan leh.

Gaba-gabadii Xildhibaanada Baarlamaanka ayuu uga mahad celiyay sida ay ugu dhabar adaygeen duruufaha Dalka ka jira isagoo amaanay hawshii wanaagsanayd ee ay qabteen Kalafadhigii labaad oo Madaxweynahu uu si Rasmi ah usoo xiray.