AF-SOOMAALI

Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray, kulana la qaatay danjire David Concar


Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo soo gaaray Muqdisho, ayaa kula kulmay Safiirka Britain y fadhiya Somalia danjire David Concar.

Waxaa kulankan uu ka dhacay xarunta Safaaradda Britain oo ku dhex taala xerada Xalane ee Garoonka Aadan Cadde.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday xaaladda abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan Deegaanada Jubbaland iyo sidii ay Britain gurmadka qayb uga noqon laheyd.

Axmed Madoobe ayaa Safiirka Britain ee Somalia warbixin ka siiyey xaalada abaaraha ee ka taagan jubooyinka iyo Gedo isagoo xusay in dad duunyo fara badan ay la tagtay abaartu kuwo kalena ay ku nool yihiin xaalad adag isagoo Safiirka weydiistay in dowladiisu ay gacan ka gaysato gurmadka loo fidinayo dadka, ay sida darani abaarta ugu saamaysay.

David Concar ayaa Madaxweynaha Jubbaland u sheegay in Britain ay horey u dejisay qorshe, ay kaga qayb qaadanayso gurmadka abaaraha, degaanada Jubbaland ayuna xusay iney qayb ka yihiin degaanada gargaarka la gaarsiinayo.

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Muqdisho u yimid kulan wada tashi ah oo dowlada Somalia isugu yeertay madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira.