GLOBAL NEWS

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Itoobiya


Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee dowlada Itoobiya Tedros Adahnom.

Labada masuul ayaa kulankooda waxa ay uga hadleen xaalada dalka Soomaaliya iyo xariirka dhaw ee maamulka Jubbaland uu la leeyahay Dowlada Itoobiya, waxa ayna isla garteen labada masuul in ay xariirka sii xoojiyaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee dowlada Itoobiya Tedros Adahnom, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xaalada amni iyo isbadalka hada ka jira dalka Soomaaliya,waxa uuna maamulka Jubbaland ku amaanay dadaalka ay ka wadaan deeganaada ay maamulaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna dhankiisa u mahad celiyay Dowlada Itoobiya garabka ay siiso maamulkiisa, waxa uuna ka codsaday Dowlada Itoobiya in maamulkiisa gacan ka siiso la dagaalanka Kooxda Al-Shabaab.

Hogaamiyaasha Maamulada dalka ka jira ayaa si joogto ah waxa ay u tagaan Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas ay kula soo kulmaan madax katirsan Dowlada dalkaasi, waxaana dad badan ay layaab ku noqotay sida ay Madaxda Maamulada dalka ka jira mar walbo ugu sii ordaan dalalka Itoobiya iyo Kenya.