GLOBAL NEWS

Axmed Madoobe oo ku Guuleysatay Doorashadii Madaxnimo ee Maamulka Jubbaland –


Madaxweynihii hore ee Maamulka Jubbaland, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa ku guuleystay doorashadii Madaxnimo ee Maamulka Jubbaland oo maanta ka dhacday xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Doorashada oo ahayd mid qarsoodi ah ayaa waxaa codeeyay 74-xildhibaan, iyadoo Axmed Madoobe uu helay 68-cod oo ka mid ah codadkii ay dhiibteen xildhibaannada Baarlamanka Maamulka Jubbaland.

Wariyaha Jubbooyinka ee HOL ayaa soo sheegay Murashaxiinta xilkan kuu tartamayay oo ahaa afar Murashax ayaa waxay codadka u kala heleen sidan;

  1. Sheekh Axmed Madoobe oo helay 68-cod
    2. Hiloowle Aadan Maxamuud oo helay 2-cod
    3. Cismaan Xuseen Fayruus oo helay 2-cod
    4. Maxamed Cismaan Yuusuf oo aan wax cod ah helin.

Guddiga doorashooyinka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in laba cod ay xumaadeen, sidoo kalena shaaciyay si rasmi ah ugu dhawaaqay in wareeggii koowaad ee doorashada uu ku guuleystay Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo murashaxiintii la tartamayay ay iyaguna xusay in Natiijada doorashada ay ku faraxsan yihiin, ayna taageersan yihiin madaxweynaha la doortay.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xubno ka socday Beesha Caalamka iyo IGAD, iyadoo sidoo kalena ay goobjoog ka ahaayeen xildhibaanno ka socda Baarlamaanka FS. iyadoo isla goobta lagu dhaariyay Madaxweynaha la doortay ee Jubbalan, Sheekh Axmed Madoobe.