AF-SOOMAALI

Axmed Madoobe oo booqday furumaha dagaalka ee degaanka Cabdalla Biroole


Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho ku tagay deegaanka Cabdalla biroole oo 45km u jirta magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose halkaas oo muddo ka hor dagaal looga saaray Kooxda Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa socdaal dhinaca dhulka ah ku tagay degaankan oo ay degan yihiin Ciidamada maamulkiisa.

Mudane Axmad Madoobe ayaa kormeer ku sameeyay xayndaabka Xerada milateri ee ay Ciidamadu halkaas ku leeyahiin waxaana uu Warbixino ka dhagaystay Saraakiisha iyo Hogaanka Ciidanka ee halkaas ku sugnaa, waxaana uu kulan gaar ah oo lagaga hadlay Abaabulka Hawlgalka Jubbaland lagaga xoraynayo Al-Shabaab la yeeshay Sarakiisha.

Ciidamada Dowlada ayuu Madaxweynahu sheegay in xuquuq lama taabtaan ah ay leeyihiin maadama ay naftooda u hurayaan sidii ay Amaan ugu seexan lahayeen shacabkooda.

Mushaharka iyo Daryeelka Ciidanka ayuu xusay Madaxweynahu in ay xooga saareen mudadii u danbaysay isla markana Askari walba uu helo mushaar joogto ah intaasna laga sii kordhin doono.

Waxaa uu sheegay in farqiga Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab u dhexeeya uu yahay in Shabaab ay doorteen dhibaataynta dadka aan waxba galabsan halka Ciidamadu ay biyaha iyo daawada la daba joogaan.

Ciidamada Tababaradu u socdaan marka ay dhammaystaan waxaa bilaabanayo hawlgalkii ugu dambeeyay oo Al-Shabaab lagaga xoraynayo Gobolka” ayuu yiri Axmed Madoobe.