GLOBAL NEWS

AXMED MADOOBE: Nidaamka 4.5-ka ah Waanu Diidnay Balse Waa Nidaam Fad ama ha fadin ah


Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu soo laabtay degmada Kismaayo ayaa ka warbixiyay Shirkii Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho lagu qabtay ee looga doodayay Nooca Doorasho ee dalka ka dhacaysa daba-yaaqada Sannadkaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Shirkii Kismaayo ka dhacay ee ay Madaxda Dalka isugu timid ee looga hadlayay qaabka lagu soo xulayo baarlamanka iyo Mustaqbalka Doorashada dhaceeyso sanadka in uu ahaa mid guul dareeystay.

“Waxaan oran karaa waan ku Guul-dareysanay Hoggaamiyeyaashii Soomaaliyeed ee isugu yimid shirkii Kismaayo inay kaga tashadaan oo ay ka go’aan gaaraan mustaqbalka Somalia, qofka inuu guul-dareystay inuu sheego oo ay Arrintaasi Nasiib-darro ahayd ceeb ma ahan,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland.

Sidoo kale, Wuxuu intaas ku daray in Shirkii Muqdisho ay Beesha Caalamka isugu yeertay Hoggaamiyeyaasha Somalia lana weydiiyay waxa Shirkoodii kasoo baxay, isagoo xusay in ay halkaasi ka sheegeen in shirarkoodii guul-dareysteen.

“Reer Jubbaland ayaanu mataleynay shirka, waxaan ku adkeysanay hab deegaan oo ay reer Jubbaland doorteen, Dowladda ayaana lagu yiri idinku Go’aan keena, Beesha Caalamkuna waxay tiri go’aanka dowladda ayaan qaadanaynaa, waxay dooratay dowladda waxaanu niri nooma cuntamaan, laakiinse Beesha Caalamku ayaa waxay tiri go’aanka dowladda ayaanu taageeraynaao,” hadalkiisa ku daray Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalkiisa laga dheehanayay inuu qaatay in lagu soo xulo Xildhibaannada Sannadkan Nidaamka 4.5-ka, isagoo sheegay in Dowladda Somalia looga fadhiyo inay u timaado reer Jubaland kana dhaadhiciso nidaamka ay dooratay ee ah in hab beeleed wax lagu soo doorto.

Dhanka kale, madaxweynaha oo la hadlayay shacabka Reer Jubaland ayaa yiri. “Wixii aad noo dirteen waan ku guul-dareysannay inaan idiin keenno, waxaanan raadinaynaa sidii loo heli lahaa xal Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn, Inkastoo Hogaamiyeyaasha Somalia iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka ka jira qaarkood ay isku waafaqeen Nidaamka 4.5-ka in lagu saleeyo doorashooyinka dhici doona Sannadkaan, ayaa haddana waxaa Arrintaasi Mowqif adag ka is-taagtay Puntland oo iyadu sheegtay inaysan marna u cuntameyn in Wax lagu soo doorto Nidaam-beeleedka 4.5-ka.