AF-SOOMAALI

Axmed Madoobe: Kuraasta Baarlamanka ee lasoo celiyay hab qaldan ayaa loo qeeybsaday mana aqbaleeyno


Madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Max’ed Islaam oo khudbad dheer oo uga hadlayay waxqabadka maamulkiisa ee sanaddii aynu kasoo gudubnay ka horjeedayay xubnaha golaha wasiirada Jubaland ayaa ka hadlay arimo ku saabsan kuraasta ay gudiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ay shaaciyeen in si musuqmaasuq ah lagu soo doortay oo dib doorasho loogu celin doono.


Waxa uu sheegay in Jubaland ay ahayd dowlad goboleedka ugu khilaafaadka yar, islamarkaana lasoo celiyay hal kursi oo qura, isagoo xusay in wax lala yaabo ay tahay in la qeeybsado kuraas musuqmaasuq lagu soo eedeeyay oo qaar badan oo kamid ah ay madashu go’aan ku gaarto in sidoodii loo daayo.

“Waxaa laga hadlayay khilaafaad iyo kuraas lasoo celiyay, 20 iyo dhowr kursi baa lasoo celiyay, waxaa la yiri gudiga xallinta khilaafaadka baa 20-kaa kursi soo celiyay iyo beesha Caalamka oo laga qeeyliyay, oo la yiri musuqmaasuq baa ka dhacay, dil baa ka dhacay, Jubaland hal kursi baa laga soo celiyay 24-kii kursi ee lasoo celiyay,” ayuu madaxweeynuhu hadalkiisii raaciyay.

Madaxda madasha qaran ayuu madaxweeynuhu sheegay in arrinta kuraasta lasoo celiyay ay ka doodeen islamarkaana laga wada xaajoodeen sidii loo qeybsan lahaa kuraasta lasoo celiyay.

Waxa yiri”Kuraastii waxaa la yiri halagu qeeybiyo deegaan, 4.5 mise maahane haloo qeeybiyo dowlad goboleedyada, xageen ku aragnay dambi la qeeybiyo.”

Waxa uu xusay in shirkii madasha lagu go’aamiyay in kuraasta lasoo celiyay min hal la siiyo dowlad goboleedyada, isagoo sheegay in ka Jubaland ahaan ay arintaasi kasoo horjeedaan.

“Inkastoo madasha aan ka maqnaa oo aan la xir-xiriirayay, hana mas’aladaasi waxa aan ku qanacsannahay maahan,” ayuu madaxweeynaha hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu xusay in aysan ogolayn go’aankaasi, isagoo yiri “Jubaland hal kursi baa la soo celiyay, halkii kursi qeybtii dambiga la qeeybinayay baad ku yeelateen, sax maahan.”

Gudiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee dalka ayaa dhawaan soo saaray go’aan ah in la laalo, qaarna dib doorasho loogu celiyo kuraasta xubnaha baarlamanka dalka ee lagu doortay qeybo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya