GLOBAL NEWS

AXMED MADOOBE: Al-shabaab lagama Adkaan karo lamana dhisi karo Ciidan Qaran Inta ay jirto Qabyaalad


Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Madoobe] oo ka Hadlayay Kismaayo ayaa sheegay in inta Soomaalidu ay ku dhaq-mayaan Qabyaalada aan laga adkaan doonin Al-shabaab, isla markaana aanaay suuro-gal hayn in la dhiso ciidan Qaran.

Axmed Madoabe, ayaa ku tilmaamay Qabayaaladda Asnaam ay shacabka Soomaaliyeed Caabudaan, isagoo xusay in haddii aan qabyaaladda laga tegin ay taasi la micno noqonayso inaan la rabin nabad ka dhalata Somalia.

“Inta lagu dhaqmayo qabyaalad, ma filayo in laga adkaan doono Al-shabaab, waayo waxaa loo baahan yhay in laga maarmo Qabayaalad, loona jiheysto in lala dagaallamo Al-shabaab,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlayay sida ciidan Qaran ay ku yeelan karto Soomaliya, ayaa xusy in dhammaan ummadda loog baahan yahay inay isku duubnaato, isla markaana dowladda kala shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Ciidammo Soomaaliyeed.

“Marka hore waa in la helo saraakiil Soomaaliyeed oo ka madax-banaan qabyaalad kuwaas oo aasaas looga dhigayo ciidamada Qaran. Waana run in saraakiisha hadda shaqeynaya ay saameyn ku yeelatay Qabyaaladda,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu kaloo sheegay Axmed Madoobe, ayaa ugu baaqy hoggaamiyayaasha Somalia inay dadaal badan la yimaadaan si loo dhiso ciidan qaran, Isagoo ku daray intaas in hab deegaan lagu saleeyo qorista ciidamada Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa walaac xooggan ka muujiyay dara-jooyinka Ciidamadu wataan. Isagoo sheegay inaysn jirin wax Tixraaca ah oo lagu garan karo darajooyinka ciidanka la siiyay.

Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe ayaa hadalkiisa kusoo beegmayaa xilli ay Xukuumadda Federaalka Somalia ku hawlan tahay dhismaha ciidamo Qaran oo ay yeelato Soomaaliya.