GLOBAL NEWS

Axmed Madoobe oo tagay Safaarada Mareykanka ku leeyahay Nairobi lana kulmay Saraakiil


Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa tagay safaarada Dowlada Mareykanka ku leedahay Magaaladaasi lana kulmay masuuliyiin.

Axmed Madoobe ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Dhismaha Safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobi waxa uuna halkaasi kulan kula qaatay Ergayga Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya David Kaeuper, iyo saraakiil kale oo katirsan Safaarada Mareykanka ku leeyahay Kenya.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Saraakiisha katirsan Safaarada Mareykanka uu kulanla la qaatay ayey waxa ay kaga wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya gaar ahaan Deeganada Jubbaland iyo sidii uu Mareykanka u taageerada uu siiyo Soomaaliya wax looga gaarsiin lahaa maamulka Kismaayo ka dhisan.

Saraakiisha Mareykanka ayaa balan qaaday in ay gacan ka geesan doonaan tagaeerada maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo taageerad dowlda Federaalka Soomaaliya, waxa ayna tilmaameen in ay gacan ka geesan doonaan dhinaca farsamada iyo amniga Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa dadaal ugu jira sidii ay taageero uga heli lahaayeen Dowladaha Caalamka iyo Hay’adaha fadhiga ku leh Dalka Kenya, Hogaamiyaha Jubbaland ayaan inti uu Nairobi joogay kulamo la qaatay madax kala duwan.