AF-SOOMAALI

Askari ka tirsan ciidamada Jubalan oo ku dhintay qarax miino


Hal askari oo ka tirsan ciidamada Jubaland ayaa dhintay dhowr kalena waa dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen ay miino ku qaraxday degaan galbeedka ka xiga tobanaan km magaalada Kismayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubaland.

Miinada ayaa jidka mid lagu aasay ahayd. Askarta dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka Kismaayo ee guud.

Dhawaan ayaa waxaa soo badanayay qaraxyada ka dhanka ah ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada iyo weliba AMISOM.

Weerarkaan ayaa yimid ayadoo shalay qarax lagu dilay dhowr iyo soddon qof suuqa Kaawo Godeey ee Muqdisho.