GLOBAL NEWS

ARRIN LA YAAB LEH:Xaaska Madaxweyne Xasan Sheekh, Muungaab iyo Sahra Xasan Muuse oo sameystay shirkad diiwaangelisa dhismaha Guriyaha cusub ee Muqdisho


Sida ay sheegayan wararka 4 tan ruux oo Madaxweynaha ugu weyn yahay, xaaskiisa, Muungaab iyo Sahra Xasan Muuse waxay shirkadooda dadka dhisanaya guriyaha cusub ama dhameystiraya dhismo guri ka qaadayan 100$, canshuurta guryahana waxey ku xirantahay qaabka guriga, haddii uu dabaq yahay, waxaa loo canshuuri sida laba guri… Kambaniga waxaa ku qoran Sahra Xasan Muuse oo ilmo habreed ay yihiin Qamar

“Waxaa maanta isoo wacay Nin ka yimid dibadda oo xamar u tagay sidii u dhisan lahaa dhismayaal halkaas ku lahaa. Wuxuu ka careysnaa dulmiga & khash-khashaadka uu Mungaab ku hayo degmada Boondheere. Guryaha waxaa la weydiyaa 2500 dollar, haddii kale waxaa loo cabbiraa dad kale. Wuxuu yiri, ‘Nafta ayaa noo timid’.