GLOBAL NEWS

Aqriso Dowlada Jubaland oo Fariin u Dirtay Xasan Sh iyo Jawaab lama Filaan ah


Wararka aan Saaka ka helay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xarunta Dowladda Soomaaliya ee Villa Soomaaliya ay soo gaadhayeen Codsiyo kala duwan oo maamulka Axmed Madoobe ay u gudbiyeen Dowladda Federalka Soomaaliya,codsigii ugu danbeeyey oo maalintii shalay Wasaaradaha arimaha gudaha Soomaaliya ay gaadhsiiyeen maamulka Jubbaland ayaa ahaa midka ugu dhawaa ee ay ahayd in Jawaab ay ka helaan Maamulka Jubbaland.
Sida aan ku helay Wararka Magaalada Kismaayo Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Maxamed Islaam ayaa Dowlada Soomaaliya ka codsaday in ay u soo dirto Wafdi kala qayb gala Xaflada Calaamo saarta gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland,isla Markaan Dowladda Soomaaliya ay hormuud ka noqoto Abaabushan shirka Kismaayo ee caleemo saarka.
Wasaaradaha Arimaha gudaha Soomaaliya ee uu Wasiirka ka yahay Cabdiraxmaan Odawaa,ayaa ah Wasaarada aan qaadan karin go’aamada masiiriga ah,waxayna Wasaaradu ku tiirsan tahay,Talada Madaxwaynaha iyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo labaduba ay dalka dibadiisa ku maqanyihiin,iyadoo qorshaha Maamulka Axmed Madoobe ay Dowladda Soomaaliya ka doonayaan uu yahay mid deg deg ah,isla Markaan la doonayo in dhismaha Baarlamaanka laga gaadhsiiyo xiliga kala Jabanta ah ee Axmed Madoobe laga doonayo in uu booska baneeyo.
Hadii Dowlada Soomaaliya ay si deg deg ah Jawaab u siin waydo Maamulka Jubbaland,isla markaan Dowladdu ay u cadayn waydo mawqafkeeda ku wajahan dhismaha Baarlamaanka Jubbaland,waxay taas Macnaheedu noqonaysaa in dhismaha Baarlamaanka Jubbaland uu yahay mid dhanka Dowladda Soomaaliya aan aqoonsi ka helin,xaaladuna ay ka duwantahay aragtidii Maamulka Jubbaland ay ka qabeen Dowladda Soomaaliya.