GLOBAL NEWS

AMISOM oo soo dhaweysay go’aanadii laga soo saaray Madashii Doorashada 2016


Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] ayaa soo dhaweysay go’aannadii Mas’uuliyiinta Soomaalidu ee ku aaddan hannaanka doorashada sannadkan daba-yaaqadiisa ka dhici doonta Somalia.

Kulan muddo Saddex Maalmood ah uga socday Magaalada Muqdisho ayay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maalmul-goboleedyada dalku ku gaareen Heshiis wadajir ah oo la xiriira qaabka ay doorashadu u dhicayso iyo sida lagu soo xulayo aqallada sharci-dajinta dalka.

“Aad ayaan ugu faraxsan-nahay war-murtiyeedka laga soo saaray madashii wada-tashiga doorashooyinka sannadkan, waxay tani si dhab ah u caddeynaysaa wada-shaqeynta iyo isku soo dhawaanshaha u dhexeysa madaxda Soomaalida,” ayuu yiri Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya, danjire Francisco Madeira.

Danjire Madeira, ayaa intaas ku daray in heshiiskan uu guul u yahay mustaqbalka Somalia iyo dimuqraadiyadda dalka. Wuxuuna xusay in AMISOM ay sii wadi doonto taageerada ay siinayso Soomaalida iyo madaxdooda si loo xoojiyo horumarrada Somalia ay ku socoto.

Qodobbada heshiiska ay madaxda Soomaalidu gaareen ayaa waxaa qayb ka ah qaabka ay u dhacayaan doorashooyinka xildhibaannada labada aqal ee Hoose iyo midka Sare ee Somalia ay yeelanayso.

Sidoo kale, Madaxda Somalia waxay ku heshiiyeen inay ku saleysnaan doonto doorashada qaabkii lagu heshiiyay ee 4.5-ka, iyagoo go’aan ku gaaray inaan Soomaaliya mar kale lagu soo celin qaabkan doorasho.

Xukuumadda federaalka Somalia iyo Maamulka Puntland ayaa dhawaan heshiis ku saabsan Doorashada Dalka ka dhacaysa Sannadkaan waxay ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe, kaasoo ay Puntland ku ogolaatay in lagu sameeyo doorashooyinka habka Awood-qaybsi ee xilligaan lagu saleyn doono doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madashii Qaranka gunaanadkeedii ka hadlay ayaa sheegay in Somalia ay ku tallaabsatay horumar; isagoo intaas ku daray in la go’aansaday in 13,750-qof oo Soomaali ay soo doortaan baarlamaanka, taasoo uu xusay inay saldhig u noqonayso doorashooyinka dalka ka dhici doona sannadka 2020-ka.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in Beesha Caalamka ay gacan ka siiyaan Dowladda FS, sidii loo meel-marin lahaa go’aannada ay madaxda shirkii ay ku yeesheen Muqdisho, si ay u noqdaan kuwo miro-dhal ah.

“Waxaan doonayaa inaan Beesha Caalamka uga mahad-celiyo taageeradooda Dowladda FS maalmihii Adkaa iyo kuwii wanaagsanaa, Anigoo mar kale dhahaya waad mahadsan tihiin,” ayuu ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh hadal uu shirkaas ka jeediyay.