GLOBAL NEWS

AMISOM iyo Al-shabaab oo Maanta Mar kale kala Qabsaday Magaalada Marko


Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda ayaa maanta Gudaha u galay Magaalada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii shalay si nabad-galyo ah ay Al-shabaab kula wareegtay kaddib markii ay ka baxeen ciidanka DF iyo kuwa AMISOM, inkastoo Ciidamada Huwanta ah ay Saacado kaddib ka baxeen Degmada.

Wararka ayaa sheegaya in saacado kaddib ayaa waxaa la sheegay in ciidankii dowladda iyo kuwii AMISOM ay mar kale isaga baxeen Marko, iyadoo ay dib ugu laabatay Al-shabaab, iyadoo uusan jirin wax iska-horimaad ah oo dhacay.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ee dowladda Somalia, Ibraahim Aadan Cali oo la Hadlay VOA ayaa sheegay in Al-shabaab ay isaga baxeen Marko ayna Gudaha u galeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

“Markii Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay Marko gudaha u galeen ma aysan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay… xaalada degmaduna way deggen tahay, waxaana rajeynaynaa inay wax walba kusoo laabtaan sidii hore,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Shabeellada Hoose ayaa sheegay inaysan wax lama filaan ah ku ahayd in Ciidammada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ka baxaan magaalada Marko, inkastoo ay maanta dib ugu laabteen.

Dhanka kale, goob-joogayaal ku sugan Degmada Marko ayaa Warbaahinta Qaar ka mid ah u sheegay inay Xoogaggii Al-shabaab dib ugu soo laabteen markii ay ka baxee Ciidamada AMISOM iyo kuwii Dowladda Somalia ee maanta ku laabtay.

“Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ayaa soo galay Marko Maanta Barqadii, markii ay Al-shabaab isaga baxeen, mana jirin wax iska-horimaad ah oo dhacay, Laakiinse Ciidanka AMISOM ayaa mar kale ka baxay degmada waxaana kusoo laabtay Al-shabaab,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Marko.

Ugu dambeyn, Taliska AMISOM oo si Taxaddar leh uga hadlay Ciidankii shalay ka baxay Marko ayaa sheegay inay ahayd mid Farsamo oo ay ku doonayaan inay ku burburiyaan Al-shabaab, ayna dib ugu laabtaan doonaan fariisimahoodii hore.