AF-SOOMAALI

Amiirkii hore ee dalka Qatar Sheekh Khalifa bin Xamaad oo Geeriyooday


Waxaa geeriyooday amiirkii hore ee dalkaasi Qatar, Sheekh Khalifa bin Xamaad Al-thani shalayto Axadii.

Amiirka ayaa 84 sano jir ahaa sanadkaan. Saddex maalmood oo baroor diiq ah oo calanka dalkaa hoos loo dhigayo ayaa waxaa ku dhawaaqay dawlada dalkaa gaar ahaan boqorka dalkaa Sheekh Tamiim bin Xamaad Al-thani.

Sheekh Khalifa ayaa xilka hoggaanka dalkaa qabtay sanadkii 1972.

Si kastaba ha ahaatee waxaa sanadkii 1995 afgambiyay oo hoggaanka dalkaa qabtay wiilkiisa isaga oo fasax ugu maqanaa dalka Switzerland.