AF-SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar Qaraxyo iyo mid toos ah isugu jira ku qaaday Saldhig ku yaala Barriire


Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar is qarxin iyo mid toos ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowlada Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Bariire.

Weerarkan oo dhacay waaberigii hore ee saakay ayaa socday muddo waxaana dadka ku sugan deegaanada ku dhow dhow Bariire ay sheegayaan in qaraxyo waaweyn ay maqleen dagaal xoog lehna kadib uu xigey.

Warbaahinta Al-shabaab taageerta ayaa sheegaya in ay la wareegeen saldhigga ay ciidamada dowlada ku lahaayeen Bariire ayna halkaa ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo gaadiid kale.

Dowlada Federaalka ayaa xaqiijisay weerarkaasi lagu qaaday Saldhiga Bariire balse wax faahfahin kama aysan bixin.

Wixii ka soo kordha waa idin soo gudbin doonnnaa..