AF-SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ciidan deegaanka Baar-Sanguuni Jubbada Hoose


Xoogagga Al-shabaab ayaa subaxnimdii hore ee saakay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa dowlad gobolleedka Jubbaland ku lahayeen deegaanka Baar-Sanguuni ee dulleedka magaalada Kismaayo.

Weerarka oo ay saldhig dhowr jiho uga soo qaadeen Al-shabaab ayaa ku bilaawday gadiid qaraxyo laga soo buuxiyay, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka oo intaa ku daray in uu halkaa ka dhacay iska horimaad ballaaran.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegankaa Baar-sanguuni, kaddib markii ay dileen inta badan sida ay hadalka u dhiggeen ciidamadii ku sugnaa saldhigga la weeraray, halka kuwa kalana ay u firxadeen dhinaca deegaanka Buula-Gaduud.

Laakiin dhinaca saraakiisha dowladda ee ku sugan deegaanka oo qaarkood la hadlay warbaahinta gudaha ayaa beeniyay sheegashada Al-shabaab ee ah in ay la wareegeen Baar-Sanguuni, iyaga oo intaa ku daray in uu ahaa weerar fashilmay oo dib leysaga caabiyay kooxihii soo qaaday.

Hasse ahaatee saraakiishu waxaa ay intaa ku dareen in uu jiro khasaare soo gaaray labada dhinac, balse ma aysan sheegin tirada rasmiga ah ee dhimashada inta ay ka war hayaan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…