AF-SOOMAALI

Al Shabaab oo Imaam Cusub u Caleemo saartay Beesha Abgaal Cismaan


Xarakada Al Shabaab ayaa munaasabad ka dhacday deegaan hoos taga Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe waxa ay ku caleemo saareen Imaam cusub oo ay sheegeen in ay yeelaneyso Beesha Abgaal Cismaan .

Munaasabadan lagu caleemo saarayay Imaamka cusub ee yeelaneyso Beesha Abgaal gaar ahaan kuwa kunool deegaanada Al Shabaab maamulaan waxaa kasoo qeyb galay waxgarad ka kala yimid deeegaano Al Shabaab maamulaan iyo xubno katirsan Kooxdaasi.

Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud ayaa lagu caleemo saartay Munaasabada ka dhacday deegaanka Aadan Yabaal in uu noqdo Imaamka Guud ee Beesha Abgaal Cusub, waxaana Imaamkan sheegeen Al Shabaab in uu yahay kan rasmiga ah ee u aqoonsan yihiin Beesha Abgaal.
Hadal kooban uu Munaasabada ka jeediyay Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud ayuu sheegay in Beeshiisa uu ku hogaamin doono ku dhaqanka Shareecada Islaamka, waxa uuna ugu baaqay Beeshiisa in ay ku taageeraan wanaaga uu wado .

Al Shabaab ayaa Ugaasyo iyo waxgarad hogaamiya u sameesay Beelaha kunool deegaanada ay dalka ka maamulaan, waxaana marar badan deegaanada ay joogaan kooxdan lagu caleemo saaray Ugaasyo iyo malaaqyo iyaga ku fikir ah oo beelahaasi hogaaminaya