AF-SOOMAALI

Akhriso: Qabiilada iyo Magacyada Wasiir ku-xigeenada cusub ee xukuumada Soomaaliya


Waxaa shalay magaalada Muqdisho looga dhawaaqay xubnaha golaha cusub ee wasiirada Soomaaliya oo muddo badan la sugayey.

Raisul wasaaraha Somalia ayaa soo bandhigay gole wasiiro oo ka kooban raisul wasaare ku-xigeen, 26 wasiir, 26 wasiir ku-xigeen iyo labo wasiiru dowle.

Maalintii intiinii la socotay akhristayaasheena waxaan idin soo gudbinay qabiilada iyo magacyada wasiirada, anagoo qoraalkana idinkugu soo gudbinaynaa qabiilada ay ka soo kala jeedaan inta badan wasiir ku-xigeenada cusub, waxayna kala yihiin sidatan:-

1-Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow, Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Daarood, Bartire.

2-Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow, Wasaaradda Maaliyadda, Hawiye, Dagoodi.

3-Xildhibaan Cabdulaahi Colaad Rooble, Wasaaradda Gaashaandhigga, Beesha Shanaad, Jareer Weyne.

4-Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Gudabiirsi.

5-Xildhibaan Fahmo Axmed Nuur, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Beesha Shanaad/ Bandhabow.

6-Xildhibaan Cisman Maxamed Cabdi (Daalo) Wasaaradda Dakadda Iyo Gaadiidka Badda, Ujaadeyn.

7-Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble, Wasaarada Gadiidka cirka iyo dhulka, Hawiye, Habargidir, Saruur.

8-Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil, Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dhib u dhiska, Isaaq, Arab.

9-Xildhibaan Cabdikariin Khaliif Dalac, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Hawiye, Habargidir, Sacad, Reer Jalaf.

10-Xildhibaan Xuseen Cusmaan Xuseen , Wasaaradda Caafimaadka (Ma heli qabiilkiisa)

11-Ciise Wehliye Maalin, Wasaaradda Cadaaladda, Hawiye, Murusade.

12-Xildhibaan Cabdicasiis Carmaan , Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Beesha Shanaad, Carab Soomaali.

13-Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane, Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiinooyinka

14-Xildhibaan Axmed Cumar Islow, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Hawiye, Wacdaan

15-Xildhibaan Ibraahim Yarow Isaaq, Wasaaradda Batroolka iyo Isgaarsiinta , Mirifle/ Garwaale
16-Xildhibaan Xaamud Cali Xasan, Wasaaradda Beeraha, Dir, Ciise.

17-XIldhibaan Dr. Xuseen Cabdi Cilmi, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Beesha Dir, Faqe Cumar

18-Xildhibaan Samra Ibraahim Cumar, Wasaaradda Haweynka iyo Xuquuqul Insaanka, Mirifle, Disow.

19-Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow, Wasaaradda Kullumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Biyamaal.

20-Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim, Wasaaradda Korontada iyo Biyaha , Mirifle, Gawabweyn.

21-Xildhibaan Cabdinaasir Saciid Muuse, Wasaaradda Amniga Gudaha, Majeerteen, Sawaaqroon.

22-Xildhibaan Xaaji Cali Sh. Maxamed Nuur, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka , Digil, Shanta Caleemood

23-Xildhibaan Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, Wasaaradda Warfaafinta, beesha Makaahiil (Sacad Muuse)

24-Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye Shaakuud, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha , Ajuuraan

25-Mukhtaar Mahad Daa’uud, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ogaadeyn, tala-muge/cabdalle

26-Maxamuud Cabdulqaadir Warsame, Wasaaradda Batroolka iyo macdanta, Mareexaan.