AF-SOOMAALI

Air Djibouti oo bilowday duulimaadyo ilaa Muqdisho ah


Shirkada diyaaradaha ee Djibouti ee Air Djibouti ayaa duulimaadkii ugu horeeyay u dirtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Doraad Talaadadii ayaa ay duulimaadkii ugu horeeyay ku tagtay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho diyaarad ka mid ah diyaaradaha Air Djibouti. Duulimaadkaa ayaa ahaa mid toos ah min caasimada Djibouti ilaa Muqdisho.

Garoonka caalamiga ah ee Aden Ade International Airport ayaa diyaaradaasi soo caga dhigatay ayadoo hormuud u ah duulimaadyo isdaba joog ah oo diyaaradaha shirkadaasi ku imaan doonaan Muqdisho.

Waa 26 sano kadib marka shirkada Air Djibouti ay dib u soo celinayso duulimaadyadeeda min Djibouti ilaa Muqdisho.

Maqnaanshiyaha ayaa waxaa u sabab ahaa dagaalka ahliga ah ee Soomaaliya; iminkase dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya waa uu sii dhammaanayaa oo dhanka dawladnimada iyo xasilloonida ayaa Soomaaliya dal ahaan ay usii weecaneysaa.

Dib u bilaabida duulimaadyada Air Djibouti ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo dhammaan ummada Soomaaliya iyo Soomaali weyn oo dhan.