AF-SOOMAALI

Ahlu Sunna oo markii ugu horeysay baarlamaan yeelatay


Magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa markii ugu horeysay maanta looga dhawaaqay golle baarlamaan oo uu yeellanayo maamulka Ahlu Sunna Wajameeca ee gobollada dhexe.

Baarlamaanka oo ka kooban 65 xildhibaan ayaa waxaa soo xulay ergo iyo odayaasha dhaqanka beellaha dega gobolka Galguduud, waxaana guddoomiye u noqonaya Shaacir Sheekhoow Max’ed.

Baarlamaanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan Ahlu Sunna Waljameeca, tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulka gobollada dhexe.

Sidoo kale saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sheegay in dhawaan ay soo dhisi doonaan golle wasiiro.

Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo aysan aqoonsaneyn dowladda dhexe ayaa ka arimiya deegaanno dhowr ah marka loo eego maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay degmada Cadaado.