GLOBAL NEWS

Agaasime ka tirsan Wasaarada Amniga Somalia oo maanta lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho


Kooxo hubeysan ayaa maanta dhaawac ugu geystay Muqdisho agaasimaha waaxda sharciyeynta hubka ee wasaaradda amniga Somalia, Siyaad Maxamuud C/raxmaan, iyadoo la weeraray xilli uu gaarigiisa watay kuna socday gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in agaasimaha ay weerareen sadex dhallinyaro ah bastoolado ku hubeysnaa, iyagoo rasaas uga dhuftay qaybta sare ee jirkiisa, waxaana dhaawiciisa lagu daweynayaa Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Mukhtaar Ibraahim Xabashi oo ah wasiirkii hore ee madaxxtooyada maamulka Khaatumo oo ka dhawaa goobta uu dhaawucu ka dhacay ayaa sheegay isagoo la hadlayay VOA-da in agaasimaha ay weerareen kooxo hubeysan oo dhallinyaro ah isagoo wata gaarigiisa kuna socda gurigiisa.

“Siyaad Maxamuud C/raxmaan waxaa gaarigiisa ku rasaaseeyay dhallinyaro ku hubeysnaa bastoolado, kuwaasoo markii ay dhaawaceen ka baxsaday, runtiina kooxihii dhaawacay agaasimaha illaa hadda lama qaban,” ayuu yiri Xabashi.

Dhaawaca agaasimaha ayaan illaa hadda la ogeyn inuu culus yahay iyo inuu fudud yahay; waxaase uu Mukhtaar Xabashi sheegay in lagu daweynayo Isbitaalka Digfeer, aanuna ka hadlin karin xilligan dhaawaca agaasimaha nooca uu yahay.

“Runtii weerarrada noocan oo kale ah waa kuwo mararka qaarkood dhaca, balse Muqdisho waxaan oran karaa xilligan amnigeeda waa mid la isku halleyn karo 80%,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in falka lagu dhaawacay agaasimahanna uu daba-socdo kuwii hore ee lagu dhibaateyn jiray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, xukuumadda Soomaaliya ayaan illaa hadda ka hadlin weerarka maanta lagu dhaawacay agaasimaha waaxda sharciyeynta hubka ee wasaaradda Amniga gudaha, iyadoo falkan uu imaanayo xilli bishan dhaawac ay kooxo hubeysan u geysteen xildhibaan ka mid ahaa kuwa baarlamaanka uu mar dambe u geeriyooday.